Barnaamijyada ku noqosho Milkiile Guri
This webpage was translated from English as a convenience to people with limited English skills. We try to provide accurate translations, but slight differences may exist. If there is a difference between the English version and a version in another language, the English version is the official one.
Boggan waxaa laga soo turjumay Ingiriis si loogu fududeeyo dadka leh aqoon afka Ingiriisiga ee xadidan. Waxaan isku dayeynaa inaan bixino turjumado sax ah, laakiin waxaa jiri kara kala duwanaansho yar. Haddii ay jirto kala duwanaansho u dhaxeysa nooca Ingiriisiga iyo nooca kale ee luqad kale, nooca Ingiriisiga ayaa ah midka rasmiga ah.
Minnesota Housing waxay bixisaa barnaamijyo deyn oo kala duwan oo loogu talagalay dadka marka ugu horeysay guri iibsanaya iyo dad dib-u-iibsanaya, iyo barnaamijka dib-u-maalgalin dayn hore si markaa lahaansho guri ay noqoto mid la awoodi karo.
Waxaan la shaqeynaa dhamaan hay'adaha deyn bixiyayaasha ee gobolka oo ka jawaabi kara su'aalaha ku saabsan u-qalmitaanka barnaamijyadan iyo sifooyinka barnaamijyadayada lagu helo oo ka mid ah sida doorashooyinka barnaamijyada deynta ee lacagta hoos udhigista (qadimaada deynta) iyo qarashaadka xiritaanka oo gaari kara ilaa $53,000 oo deyn ah oo la heli karo oo loogu talagalay dadka u qalma. Waxaad ka dalban kartaa barnaamijka deynta ee Minnesota Housing mid ka mid ah hay'adaha maaliyadeed ee ka qayb qaadanaya masruuca, sida aad u sameyn lahayd deyn kasta oo kale.
Inta aad ku guda jirto socodkaaga aad ku milkineyso gurig, alaabtayada iyo ilahyaga ayaa suuragal kaaga dhigi kara inaad guri iibsato.
Minnesota Housing ma bixiso ama ma abaabusho amaahyo. Ma aha amaah-bixiye ama dayn-bixiye mana laha wax xidhiidh ah oo lala leeyahay amaah-bixiye kasta. Shuruudaha la xiriira macaamilka maaliyadeed ee lagu fulinayo barnaamijyadan, oo ay ku jiraan macluumaadka muhiimka ah sida khidmadaha amaahda, boqolkiiba sanadlaha dulsaarka (APR), shuruudaha dib-u-bixinta, iyo wargelinta kale ee lagu waajibiyay in la siiyo macaamiisha, waxay masuuliyaddeeda saaran tahay amaah-bixiyaha.